2166 Views

RW Khayre Oo Sagootiyay Safiirka Un-Ka Ee Soomaaliya

RW Khayre Oo Sagootiyay  Safiirka Un-Ka Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2018–MRa’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay Michel keating oo ah wakiilkii qaramada midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2016-2018.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa haddiyado guddoonsiiyay Michel keating, waxa uuna uga mahadceliyay Shaqadii wanaagsanayd ee uu dawladda Soomaaliya la qabtay intii dalka ka shaqaynayay.

 

Michael keating oo dhamaysatay xilli hawleedkiisii Soomaaliya ayaa waxaa bedelaya ergayga Cusub ee qaramada midoobay u soo magacaawday Soomaaliya kaas oo lagu Magaabo Nicholas Haysom,isla markaana u dhashay dalka Koonfur Afrika.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment