1047 Views

Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool & faah faahin laga helayo
____________________________________________________________________________

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada itoobiya & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay weerar ku bilaawday madaafiic lagu qaaday saldhiga Ciidamada Itoobiya ay ka ilaaliyaan Xarunta Gobolka Bakool ee degmada Xudur, waxana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Dadka ku nool degmada Xudur oo culeys dhinaca go’doonka ah dareemayay 10-kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay sheegeen in meelo kamid ah degmada ay kusoo dhaceen raasta ay is weeydaarsanayeen labada dhinac balse  wax qasaaro ah kasoo gaarin.
Sidoo kale waxaa la sheegay in intii uu socday dagaalka ay Ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic dhowr ah ugu jawaabeen Al-Shabaab, waxaana weli sirasmi ah loo xaqiijin qasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.
Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool  ayaa muddo ka badan 10 sano waxaa ay u go’doonsan tahay Al-Shabaab, waxaana Madaxweynaha Koofur Galbeed uu dhowr jeer sheegay in go’doonka laga qaadi doono.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post