828 Views

RW Rooble “Waxaan uga digayaa guddoonka la dooran doono ee labada gole in aysan hareermarin sharciga iyaga oo ujeedo shaqsi ah raadinaya

RW Rooble “Waxaan uga digayaa guddoonka la dooran doono ee labada gole in aysan hareermarin sharciga iyaga oo ujeedo shaqsi ah raadinaya
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Switzerland ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku dhaqan, isagoo ugu warbixiyay xaaladda dalka gaar ahaan doorashada guddoonka halka ay mareyso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulanka ka sheegay in dalka uu  xoroobay markii la dhaariyay Xildhibaannada labada Aqal, isagoo xusay in uu dalka helay Hay’ad Sharci ah oo gudata waajibaadkeeda Shaqo, balse taaso ay timid markii lagu bixiyay dadaal iyo howl adag.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qof walba uu ka fikiraayo sababta Madaxda ugu sareeysa dalka ay u xalin la’yihiin caqabadaha jira, balse wuxuu carabka ku dhuftay in taasi ay keentay dano Shaqasiyadeed oo baabi’iyay dalka Soomaaliya.

Waxaa uu kaga digay guddoonka labada gole ee la dooran doono maanta oo ah 26-ka Apr iyo maalinta berri oo ah 27 bisha Apr in aysan hareermarin sharciga iyaga ujeedo shaqsi ah raadinaya.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mr Rooble ayaa Xildhibaannada labada Aqal ku boorriyay in ay hoggaanka goleyaasha sharci dejinta u doortaan dad Dalka badbaadin kara.

Hadalka Raysal Wasaare Rooble ayaa imaanaya, iyadoo uu dalka ku jiro marxalad doorasho, balse ay jiraan carqaladeyn ku socoto, maadama iskudayo badan la sameenayay oo lagu hakinayo doorashada socoto waxaana lagu eedeeyay inuu ka dambee Villa Soomaaliya si gaar ah Madaxweyne Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post