1194 Views

Ra’iisul Wasaare hore Saacid oo ku baaqay in wada-hadal lala galo Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaare hore Saacid oo ku baaqay in wada-hadal lala galo Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 11 2019 —Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Cabdi Faarax Sheekhdoon Saacid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay la timaado qorsho cad oo ay uga guuleysan marto Ururka Al-Shabaab.

 

Waxaa uu sheegay in xilligaan Al-Shabaab ay yihiin dad awood badan oo la kari waayay,hayeeshee hadii laga adkaan waayay ay muhiim tahay in wada-hadal toos ah lala galo si loola heshiiyo

 

 

“Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa,runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari  waayay,axaana fiican in laga guuleysto,nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo ayuu yiri” Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sugida amniga dalka uu u baahan yahay in loo helo dad khibrad u leh si looga guuleysto Al-Shabaab oo mudo dagaal xoogan kula jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment