762 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qaabilay Safiirka cusub dowladda Itoobiya

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland oo  qaabilay Safiirka cusub dowladda  Itoobiya
____________________________________________________________________________

Isniin June 21

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Safiirka cusub dowladda  Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo shalay soo gaaray Magaalada Garoowe.

War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen adkaynta Iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dalka Itoobiya.

Sidoo kale warka ayaa intaas ku daray in madaxweyne ku xigeenka iyo safiirku ka wada-hadleen sidii iskaga kaashan lahaa dhinacyada Amniga, horumarinta Ganacsiga iyo iskusocodka.

Waxa xusid mudan in safiirku uu sidoo kale shalay la kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo ay ka wada-hadleen guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaanna Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post