840 Views

Gabadhaan oo ku tukaameysatay $1m ayaa xabsiga la dhigay

Gabadhaan oo ku tukaameysatay $1m ayaa xabsiga la dhigay
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Gabar u dhlatay Koonfur Africa oo bangigeeda ay si qalad ah ugu soo dhacday lacag dhan $1m ayaa lagu eedeeyay tuuganimo kadibna xabsiga la dhigay, iyada oo lagu xukumay shan sano.

Sibongile Mani ayaa heshay 14m oo rand oo ah lacagta Koonfur Africa, halkii ay ka sugeysay 1,400 oo rand oo ahaa garaanka ay ardeynimada ku qaadaneysay sanadkii 2017 kii, kaidb waxay bilowday in ay lacagta u isticmaasho si dhaqsi ah.

Lacagta waxaa lahaa Hay’ada Lacagaha Ardeyda Qaranka, iyaduna waxa ay dhiganeysay jaamacadda Walter Sisulu.

Nani ma aysan sheegin qaladka dhacay, laakiin laba saacadood kadib markii ay lacagtu ku soo dhacday bangigeeda ayay biloway in ay si dedeg ah u isticmaasho.

Markii la ogaaday ee akoonkeeda la xanibay waxaa la arkay in ay 73 maalmood gudahood ku isiticmaashay lacag dhan $70,000 oo ay wax ug iibsatay 48 goobod oo kala duwan.

Waxay ku iibsatay timo macmal ah, taleefanno, qamri, kaararka hadiyadaha iyo waxyaabo kale oo qaali ah.

Qareenka gabadhaan aya sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday Mani.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post