456 Views

Mareykanka oo cunaqabeyntey ku soo rogay Ruushka

Mareykanka oo cunaqabeyntey ku soo rogay Ruushka
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 23, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in cunaqabateyntii ugu horeysay lagu soo rogay Ruushka taasoo jawaab u ah aqoonsiga madax banaanida labo gobol oo gooni u goosad ah oo ku yaal bariga Ukraine.


Biden waxa uu sheegay in cunaqabatayntan lagu soo rogay ay ku timid iskaashi lala yeesho xulafada Maraykanka iyo saaxiibada caalamka, isaga oo carabka ku adkeeyay in waxa uu Ruushku sameeyay uu yahay “xadgudub halis ah” sharciga caalamiga ah una baahan jawaab adag oo ka timaada beesha caalamka.


Waxa uu sidoo kale ka digay in tillaabada uu qaaday Ruushka ay bilow u tahay duulaanka militari ee uu ku qaadayo dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.


Madaxweynaha Mareykanka ayaa carabka ku adkeeyay in cunaqabateyntan ay ka mid noqon doonto labo bangi oo Ruush ah iyo saraakiil sare oo Ruush ah, iyadoo ay sii dheer tahay in la soo rogo tallaabooyin lagu jarayo qaybo ka mid ah dhaqaalaha Ruushka ee nidaamka maaliyadeed ee adduunka

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post