1776 Views

Koonfur Galbeed oo sheegtay inay hawlgal ku dishay sarkaal ka tirsanaa Shabaab

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 12, 2018 –  Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in xalay uu hawlgal ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Ufurow ee Gobolka Baay.

Hawlgalkan ayay Koonfur Galbeed sheegtay inay fuliyeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, waxaana ciidanka hawlgalka fuliyay ay ka baxeen Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in hawlgalkaasi lagu dilay Guddoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Ibdiyow

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa bogaadiyay hawlgalka ay ciidanka ku dileen Guddoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow.

Wasiirka ayaa Ciidamada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay kordhiyaan weerarada gaarka ah, ee ay ku beegsanayaan Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Degaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalmo kahor amray in ciidamada ay qaadaan dagaal ka dhan ah Shabaab, si looga saaro degaanada gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment