579 Views

Taliyaha Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan oo la kulmay Muqtada Al-Sadar

Taliyaha Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan oo la kulmay Muqtada Al-Sadar
____________________________________________________________________________

Arbaco: February 9, 2022

Taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan Ismaaciil Qaani, ayaa magaalada Najaf ee koonfurta Baqdaad kula kulmay Muqtada Al-Sadri, oo ah hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Sadri, isaga oo sida la sheegay kala hadlay xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan dalka Ciraaq.

Xafiiska warbaahinta Al-Sadar ayaa bayaan uu soo saaray shalay lagu sheegay in hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Sadri, Muqtada Al-Sadar uu ku qaabilay taliyaha ciidamada Qudus ee Iiraan, Ismaaciil Qaani, oo beryahan ku sugnaa deegaanka Al-Xanaana, ee saldhigga hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Sadri ee ku yaalla Gobolka Najaf.

Muqtada Al-Sadar, oo xulafadiisa siyaasadeed ay ku guulaysteen kuraasta ugu sarraysa ee Baarlamaanka doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Oktoobar ee sanadkii tagay, ayaa soo dhaweeyay booqashada Ismaaciil Qaani, uu ku yimid Ciraaq.

Qaani ayaa horraantii Todobaadkan gaaray dalka Ciraaq, waxuuna  kulamo kaal duwan la qaatayhogaanka  ciidamada isku dhafka ah oo ay ku jiraan inta badan kooxaha Shiicada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post