789 Views

Xoghayaha Difaaca Maraykanka “ Alqaacida waxa ay saldhig ka dhiga kartaa

Xoghayaha Difaaca Maraykanka  “ Alqaacida waxa ay saldhig ka dhiga kartaa
____________________________________________________________________________


Jimco: September 10, 2021

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo ka hadlayay haddii ay Al Qaacida dib uga soo laaban karto  Afganistaan 20 sano ka dib markii ay ka bexeen ciidankii Ameerikaanka ahaa ayaa sheegay in ay xitaa saldhig ka dhigan Karto Soomaaliya.

Austin oo la hadlay wariyeyaal  ku sugan magaalada Kuwait markii la soo gabagabeeyay safar afar maalmood ah oo uu ku marayay waddamada Khaliijka. Wuxuu sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu ka hortago soo noqoshada Al-Qaacida ee Afgaanistaan oo halis gelin doonta Mareykanka.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Al Qaacida ay saldhig ka dhiga karto “Soomaaliya ama wadan kale oo aan maamul lahayn” inkastoo ay Soomaaliya  ay leedahay Dowlad faderaal ah

“Bulshada oo dhami waxay daawanayaan si ay u arkaan waxa dhacaya iyo haddii al-Qaacida ay awood u leedahay in ay dib ugu soo noolaato Afgaanistaan,” ayuu yiri. “Dabeecadda al-Qaacida, iyo (kooxda Dawladda Islaamka) ayaa ah in ay had iyo jeer isku dayaan in ay helaan meel ay ku koraan oo dib u soo noolaadaan, haddii ay jirto, haddii ay tahay Soomaaliya, ama haddii ay jirto meel kale oo aan maamul lahayn. Waxaan u maleynayaa in ay tahay dabeecadda ururka. ”

Taalibaan waxay Al-Qaacida siisay saldhig intii ay ka talinaysay Afghanistan mudadii u dhaxaysay 1996 ilaa 2001. Maraykanka oo ku duulay ayaa afgambiyay Taalibaan ka dib markii ay diiday in ay ku wareejiyo hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida wixii ka dambeeyay weerarkii September 11, 2001, lagu qaaday Maraykanka. Intii uu socday dagaalkii 20-ka sano ee Afganistaan Al-Qaacida aad bay u yaraatay, laakiin su’aalo ayaa ka dhashay rajadooda mustaqbalka iyadoo Taliban ay dib ugu laabatay Kabul.

“Waxaan ogeysiinay Daalibaan inaan ka filayno inaysan u oggolaan Al Qaacida in ay taasi dhacdo,” ayuu yiri Austin, isagoo ka hadlaayay suurtagalnimada ah in Al-Qaacida ay u adeegsato Afghanistan saldhig ay ka weerarto Maraykanka.

Austin wuxuu caddeeyay in milatariga Mareykanka uu awood u leeyahay inuu xakameeyo al-Qaacida ama khatar kasta oo ku soo fool leh Mareykanka isagoo adeegsanaya dabagalka iyo duqeynta diyaaradaha si uu xaqiijiyo amaankiisa.

Austin iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa Talaadadii si wadajir ah uga soo muuqday Dooxa si ay u muujiyaan mahadcelinta Mareykanka ee ku aaddan kaalmada Khaliijka ee daadguraynta tobanaan kun oo reer Afgaanistaan ah iyo kuwo kale oo laga soo daadgureeyay Kabul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post