1017 Views

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo sheegay in Gedo weerar lagu soo qaaday

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo sheegay in Gedo weerar lagu soo qaaday
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledxaawo ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen degmada Baledxaawo.

 

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dooneyso in ay burburiso maamulka Jubbaland.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in maanta Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ay ku dagaallamaan degmada Beledxaawo.

 

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha ay taariikhdu u diwaangalinta.

 

Xildhibaanada kasoo jeedda Gedo ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay Ciidamo ay ka qaaday Muqdisho geysay gobolka Gedo si ay xiisad uga abuuraan degmooyinka gobolka Gedo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment