516 Views

Madaxweyne Soomaaliya oo la filayo inuu maanta gaaro Puntland

Madaxweyne Soomaaliya oo la filayo inuu maanta gaaro Puntland
____________________________________________________________________________

Khamiis: 25 Agoosto 2022

Madaxweynaha Soomaaliya,  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Wefdi horudha u ah Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa shalay gaaray Garoowe, kuwaasi oo kulan ka yeeshay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe in uu kulamo la yeesha Madaxda Maamulka Puntland, qeybaha kala duwan ee Bulshada sida isimada iyo IWM.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Xasan Shiikh ku tago Garoowe sidii loogu doortay Madaxweynaha 15 bishii May ee sannadkan, hore waxaa u gaarey Dhuusamareeb, Baydhabo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post