1530 Views

Kolonyo Gaadiid oo uu la socday Madaxweyne Xasan sheikh oo goor dhawayd Rasaas lagu furay

Kolonyo Gaadiid oo uu la socday  Madaxweyne Xasan sheikh oo goor dhawayd Rasaas lagu furay
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho ka dhacay Rasaas lagu riday gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee Somaliya xasan shkh maxamuud.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in gaadiidka uu la socday Madaxweynihii hore xasan shekh ay ka yimaadeen dhinaca liido, ayna u soo socdeen dhinaca Garoonka magaalada Muqdisho ama Hotel Jazeera.

Koloynada la socotay Xasan sheikh ayaa lagu Rasaaseeyay maxkamada Gobolka banaadir oo ah halka hada ka hor Rasaas lagu furay Imaamka Beesha Mudulood oo halkaas maraayay, waxaana la sheegay in Ciidamadii iyo gaadiidkii dagaal ee la socday Xasan shekh aysan wax jawaab ah ka bixin Rasaastaas ayna sii wateen safarkoodii.

Sidoo kale Falkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay bar ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho; waxaana la sheegay inay rasaas rideen ciidamadii goobta ku sugnaa.

Office Nairobi Kenya  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post