903 Views

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay xubnaha Maxkamadda Dastuuriga

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay xubnaha Maxkamadda Dastuuriga
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa joogay 39 Xildhibaan Ajandaha ayaa ah dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, 38 Mudane ayaa u codeeyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad qodobka ugu dambeeya laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday, qof diidayna uusan jirin.

22 sanno ka dib markii ugu horaysay ayey Xildhibaanada maamulka Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post