870 Views

Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines oo maalintii labaad muqdisho aan ka soo dagin

Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines oo maalintii labaad muqdisho aan  ka soo dagin
____________________________________________________________________________

..

Feb: 20/2/2021

Wararka ka imanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ay hakiyeen Safarkii ay ku imaan jireen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha Sadaxdaas Diyaradood  Rakakaabkii goostay tikidhada lagu wargaliyay in la hakiyay duulimaadyadii Muqdisho, waxaana hakinta duulimaadyada sabab looga dhigay qalalaasihii shalay ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale Qaar kamid ah Shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ayaana ka cabsi qaba in amaanka caasimada faraha ka baxo gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo meelo aan ka fogeyn degan yihiin inta badan Midowga Musharaxiinta waxaana shalay ku dhacay madfac gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan ayaa aroortii hore ilaa 3 saac subaxnimo ka dagi jiray Garoonka Muqdisho kuwaas oo qaadi jiray ku dhawaad 400 oo Rakaab ah maalin kasta.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post