282 Views

Elon Musk oo ah ruuxa ugu qanisan dunida oo beeniyay inuu la hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin

Elon Musk  oo ah ruuxa ugu qanisan dunida  oo  beeniyay inuu la hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 12, 2022

Elon Musk, oo ah ruuxa ugu qanisan dunida, ayaa beeniyay inuu la hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ka hor inta uusan soo gudbin ra’yi ururin uu ku sameeyay barta Twitter-ka, taasoo ah soo jeedintiisa la xiriirta afjarista duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

Ian Bremmer, oo ah madaxa la-talinta khatarta siyaasadda ee kooxda Eurasia, ayaa ku eedeeyay, Musk, inuu si shaqsi ah ugu sheegay in wada hadal uu la leeyahay Putin.

Laakin,Musk, ayaa taasi beeniyay.

“Waxaan la hadlay Putin hal mar oo kaliya, waxayna ahayd qiyaastii 18 bilood ka hor, ma jirin mawduuca gaar ah aan xoogga saarnay” ayuu Musk kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Toddobaadkii hore, maamulaha guud ee shirkadda Tesla, ayaa wuxuu weydiiyey 107.7 milyan dad gaaraya, oo ah dadka saaxiibada kula yahay bratiisa, inay u codeeyaan siyaabaha lagu xallin karayo dagaalka Ukraine.

Talo soo jeedintaasi, ayaa waxaa kamid ahaa in afti laga sameeyo qaybo ka mid ah dalka Ukraine, oo uu Ruushku haysto, taasoo Kremlin-ku ay sheegeen inay la wareegeen. Hadalka Musk, ayaa waxaa soo dhaweeyay xukuumadda Moscow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post