1656 Views

Dowladada Soomaliya Oo Lagu Baaqay in ay cadaaladda soo hor taagto Ragii dilay Shiikh Cabiweli Cali Cilmi

Dowladada Soomaliya Oo Lagu Baaqay in ay cadaaladda soo hor taagto Ragii dilay Shiikh Cabiweli Cali Cilmi
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-Hay’adda u dooda xuriyadda afkaarta iyo aragtiyada ee Free Muse ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareysay dilkii Shiikh Cabdiweli Cali Cilmi iyo xirtiisa loogu geystay Magaalada Gaalkacyo 26’kii bishii ina dhaaftay ee November.

War qoraal ay oo ay soo saartay Free Muse ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga codsatay in ay juhdi ku bixiso baaritaanada lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay weerarkaasi lagu khaarijiyay Shiikha.

“Free muse waxa ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqaysaa in ay xooga saarto baaritaanka dilkii Shiikha lagu dilay Gaalkacyo, waxaana ka codaneynayaa in ay ugu dambeyn cadaaladda soo hortaagto waxa ay ku tilmaamtay arxanlaawayaasha dilkaasi ka dambeeyay” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay Free Muse.

Waxaa kale oo warka kasoo baxay Free Muse lagu bogaadiyay dadalaada ay dowladda Soomaaliya ugu hiiliso kuwa loo dilo aragtidooda oo ay kala jeedeen Wariyayasha iyo falanqeeyayasha siyaasadaha is-diidan ee Soomaaliya oo aragtidooda loo beegsado.

ilaa iyo haatan ma jirto dad maxkamad loo soo taagay dilkii Shiikh Cabdiweli Cali Cilmi yare oo Mowlaciisa lagu dhex dilay isaga iyo tiro xirtiisa aheyd.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment