1077 Views

G/DHEXE SICIID “Astaamihii shuuciyada & kelitalisnimada ayaa muuqda” [Waraysi]

G/DHEXE SICIID “Astaamihii shuuciyada & kelitalisnimada ayaa  muuqda”  [Waraysi]
____________________________________________________________________________

[Qaranimo Online] January 7, 2021 G/dhexe Siciid C/qaadir oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, ayaa walaac ka muujiyay dib u howgelinta hay’adii NSS-ta, wuxuuna ku tilmaamay hay’adaasi mid ka shaqayn jirtay danaha & masaaliixda taliskii MS Barre, sida uu hadalka u dhigay.

 “Astaamhii shuuciyadda & kuwii kelitalisnimada ayaa ka muuqda Dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo ee uu hogaamiye MC Farmaajo, waxaa nasiib darro ah in dadku aysan ku baraarugsanayn qatarahaasi,  oo haddii aanan hadda laga hortegin raadad xun reebi doona” Ayuu yiri Ex. Gaashaanle dhexe Siciid C/qaadir oo ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi raaciyay in hal ku dhigyadii hore loo isticmaali jiray ee muddooyinkan dambe dib loo soo nooleeyay ay ka mid tahay hay’adii NSS-ta iyo Maxkamadii badbaadada oo dadku ay soo xasuusteen markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida madax looga dhigay ninkii gacanta middig u ahaa Maxamuud Geelle Yuusuf, oo Maxkamadiisu bilaa racfaan ciddii ay doonto ay dil ku xukumi jirtay, cidda keliya ee dilkaasi ka cafin kartana uu ahaa MS Barre.

 “NSS-ta waxaa sameeyay taliskii MS Barre 1970-kii, waxaana loogu talogalay in ummadda lag dhibo, Taliskii Maxamed Siyaad Barre markii meel kasta cadaadis laga saaray ayuu NSS-tii 90kii tirtiay, haddii la tirtiray xilligaas maxay tahay sabbata ay u soo nooleeyeen dowladihii dambe, oo weliba sannad-guurada marka ay u dabaaldagayaan waxay ka soo billaabaan 70-meeyadii, 2daasi hay’adood waxay hoos imaan jireen madaxtooyada” Ayuu yiri Gaashaalne Siciid, isaga oo intaasi raaciyay intii uusan MS Barre taladii dalka xoog ku maroorsan in Soomaaliya ay lahayd talis wardoon oo uu madax ka ahaa Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib.

“NSS-ta ka hor waxaa jira wardoon dharcad ah oo booliska hoos imaan jiray, waxaa madax u ahaan jiray Jaamac Maxamed Qaalib” Ayuu yiri Gaashaanle dhexe Siciid, wuxuuna intaasi raaciyay in dalalka shuuciga ah ay isticmaalaan magaca Golaha shacabka, Soomaaliyana ay qaadatay magacaasi xilligii ay shuuciga ahayd, loona baahan yahay in astaan walba oo ka tarjumeysa shuuciyada in la tirtiro maadaama nidaamkaasi uu gabalkiisii dhacay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post