1827 Views

Taliyaha Xoogga Oo Sheegay Inay Ka Hor Tagayaan Dad Ka Ganacsatada Tuutaha Ciidanka

Taliyaha Xoogga Oo Sheegay Inay Ka Hor Tagayaan Dad Ka Ganacsatada Tuutaha Ciidanka
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | October 05, 2018 – Janeraal Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay tuutaha Ciidanka dowladda oo mararka qaar la arko dad ka Ganacsanaya.

Waxa uu sheegay inay arrintaasi jirto,isla markaana ay ogyihiin,Nabadsugida,Wasaaradda Ganacsiga iyo cid walba si sharcidaro ahna lagu soo geliyo dalka.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin darees u gaara ah oo Calanka uu dhinac kaga dhegan yahay balse ay ka hortegi doonaan dadka ka Ganacsanaya Dharka ciidanka.

Si kastaba marka laga soo tago hadalka taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa jirta n dhowr mar rag ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda ay qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyeen Magalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment