795 Views

Xoghayaha gaashandhigga Mareykanka oo booqasho ku tegay Israa’iil

Xoghayaha gaashandhigga Mareykanka oo booqasho ku tegay Israa’iil
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeyo Israa’iil iyo Mareykanka uu udub dhexaad u yahay amniga Bariga Dhexe kadib markii kulamo la qaatay saraakiil sar sare oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Lloyd Austin ayaa noqonayaa sarkaalkii ugu sarreeyay oo Amerikaan ah oo booqasho ku tego Israa’iil tan iyo markii xilka uu qabtay Biden.

Booqashada xoghayaha gaashandhigga Mareykanka ayaa imaaneysaa xilli uu kulan looga hadlo sidii Mareykanka loogu soo celin lahaa heshiiskii Nukliyerka ee la galay Iran sanadkii 2015-kii uu ka socdo magaalada Vienna, tallaabadaas oo ay Israa’iil kasoo horjeesatay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post