612 Views

Kulan lagu dhex-dhexaadinayo Soomaaliya & Kenya oo ka bilaawday jabuuti

Kulan lagu dhex-dhexaadinayo Soomaaliya & Kenya oo ka bilaawday jabuuti
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 20, 2020 –
Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo uu ka socdo Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka bilaawday kulamo lagu dhex-dhexaadinayo dowladaha Soomaaliya & Kenya oo uu khilaag xoogan ka dhaxeeyo.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa garwadeen ka ah labada dhinac, iyada oo kulanka ay goobjoog ka yihiin Madaxweyne farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhur Kenyatta.

Madaxwwynaha Jabuuti & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ay ku booriyeen Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab wada-ahdal diblumaasiyadeed ah, isla markaana dhankooda ay qeyb kq aadan doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka kaga hadlay kulanka ay yeesheen Madaxweynayaashha, Soomaaliya, kenya iyo Jabuuti, kaa soo uu qeyb ka ahaa, waxaana uu yiri”

“ Awoodda xasilloonida gobolkeennu waxay ku saleysan tahay iskaashiga iyo horumarka. Waxaan ku faraxsanahay hadaan nahay hogaamiyeyaasha inaan miiska wada-hadalno oo aan ka wada hadalno arrimaha cakiran ee ka taagan gobolkeenna ayuu yiri” Abiy Axmed.

Madaxda ayaa intaasi kadib u gudbay ka qeyb-galka Shirka Madaxda IGAD oo waxyaabaha looga hadlayo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladaja Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post