513 Views

Madaxweyne Muuse Biixi oo magacaabay guddi wasiiro ka kooban

Madaxweyne  Muuse Biixi oo magacaabay guddi wasiiro ka kooban
____________________________________________________________________________

 Talaado: AUGUST 16, 2022

Madaxweynaha jamhuuriydada iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddi.

Guddiga ayuu Muuse Biixi, wuxuu u igmaday inay kasoo tala bixiyaan hanaankii lagu xalin lahaa dhibaatadii ka dhalatay mudaaharaadyo ka dhacay qeybo kala duwan oo katirsan Somaliland.

Qodobada guddiga loogga fadhiyo inay xal u helaan, waxaa kamida ah:

-Soo ururinta sababihii keenay mudaaharaadyadii dhacay

-Khasaarihii ka dhashey mudaaharaadka

-Cidda eedda iska leh

Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood, oo katirsan golaha wasiiradda Somaliland.

Dhismaha guddigan, ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ogeysiiyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland iyo madaxweyne kuxigeenka Somaliland.

 BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post