36 Views

Qurbo-jooog Soomaaliyeed oo ku baaqay in loo istaago raadinta nabadda iyo horumarka Dalka

Qurbo-jooog Soomaaliyeed oo ku baaqay in loo istaago raadinta nabadda iyo horumarka Dalka
____________________________________________________________________________

Qaar kamid ah Qurbo-joogtaan oo ka kala socday  mareykanka iyo Kanada ayaa Magaalada Boston ku qabtay shir socday muddo afar cisho ah oo looga hadlaayey dagaal sokeeye oo ka dhacay Galbeedka Mudug iyo sida gacan looga geysan karo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah bulshada.

Shirkaasi oo mudadii uu socday ay ka qeybgaleen xubno ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug ,aqoonyahanno,ganacsato iyo waxgarad kale,waxaa la istusay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo sida qurbo-joogta Soomaakida ay uga qeybgali karaan xal u helidda colaadaha sokeye iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Shirkaasi oo ay ka qeybgaleen xubno uu kamid ahaa Xildhibaan c/ladiif Muuse  nuur-yare,waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ku wajahan in colaad kasta loo maro wadahadal nabadeed, iyadoo la kaashanaayo maamulada puntiland iyo Galmudug.

Ugu dambeyntii war-murtiyeedkaan waxaa lagu dalbaday in bulshada Soomaaliyeed ay meel iska dhigaan dagaalada sokeeye,isla markaana ay u soo jeedtaan horumarkooda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post