987 Views

Somalia & Kenya oo kawada hadlay in dib loo furo safaaradaha Muqdisho & Nairobi

Somalia & Kenya oo kawada hadlay in dib loo furo safaaradaha Muqdisho & Nairobi
____________________________________________________________________________

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa ka wada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada Dowladood ayaa lagu xusay inay ka wada hadleen labada Mas’uul arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo sii xoojineysa cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee labada dal.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post