792 Views

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar mar kale ku qaaday Guudlaawe lafta-gareen iyo Qooq qoor.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo weerar mar kale ku  qaaday Guudlaawe  lafta-gareen iyo Qooq qoor.
____________________________________________________________________________

.

 April 18- 2021

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo sidoo kale Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey saddexdan maamul in ay taageereen muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, waxa uuna sheegay in aysan la  tashan dadka ay matalaan ayna jeebkooda ku wataan Go’aanka.

Qoraal uu soo dhigay baraha Bulshada ayaa sidaan u qornaa

 “Waxaa is waydiin mudan dawlad goboleedyada qaarkood bulshadii rayadka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga . Laakiin dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed yey la tashadeen markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen? bulsho rayad, waxgarad, Gole Wasiiro iyo Baarlamaan ma lahan miyaa? Mise dadkoodeey ka arkeen oo go’aanka iyagaa jeebka ku sita?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Sidoo kale musharrax madaxweyne Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cad uga horyimid la kulanka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo dalab u diray qaar ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka, balse ay ku gacan seereen.

“Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa,” ayuu sii raaciyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post