672 Views

War deg deg ah: dagaal aad u culus oo Gudaha Magaalada Guriceel ka bilaawday goor dhawayd.

War deg deg ah: dagaal aad u culus oo Gudaha Magaalada Guriceel  ka bilaawday goor dhawayd.
____________________________________________________________________________


Sabti: October 23, 202

Waxaa goor dhaway oo saakay  uu ka bilkaawday dagaal aad u culus Gudaha Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxa uuna u dhaxeeyaa ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan magaaladaas.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa billowday saaka aroortii hore, waxaana weli socota rasaasta iyo hubka ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay qaadeen dagaalka, isla-markaana ay dhowr jiho ka weerareen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi, walow  la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post