909 Views

Kulan looga hadlayey Amniga oo lagu qabtey Muqdisho

Kulan looga hadlayey Amniga oo lagu qabtey Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadkiI mar la qabto kaas oo ka dhacay degmada Kaxda.

 

Kulanka waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen Amniga, Nadaafada, Canshuuraha, Ciyaaraha, dib-udhiska wadooyinka iyo xoojinta dagaalanka musuq maasuqa.

 

 

 

Shirka degmooyinka kadib waxa uu duqa magaalada Muqdisho duleedka degmada Wadajir kula caweeyay qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment