435 Views

Weerar dad shacab ay ku geeryoodeen oo ka dhacay G/Galgaduud

Weerar dad shacab ay ku geeryoodeen oo ka dhacay G/Galgaduud
____________________________________________________________________________

 Arbaco: March 16, 2022

Wararka laga helaayo inta u dhaxeysa deegaanada Dhabad iyo Furinta Foore ee Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaad hubeysan wy Weerartay gawaari ay saarnaayeen Dad Shacab ah oo halkaa marayay.

Weerarka waxaa la soo wariyay in uu ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waloow aan si rasmi ah aan loo ogeyn inta uu la egyahay, basle warar hoore aan helnay ayaa sheegay in dhimashada dadka shacabkaaay tahay 2 ruux, halka dhaawacana uu yahay mid intaa ka badan.

Sidoo kale, agagaarka deegaannada Dhabad  Iyo Furinta Foore Ee Gobolka Galgaduud waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka jirtay colaad u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kale jeeda Magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq, waxaana tiro dhowr oo hoe guuldareystay xal u helida colaadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post