903 Views

Dhaqtarkii ugu waynaa Soomaaliya ee daweynta TB-da oo u geeriyooday Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19

Dhaqtarkii ugu waynaa Soomaaliya ee daweynta TB-da oo u geeriyooday  Xanuunka  Safmarka ah ee Covid-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 12  2021

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday dhaqtarkii Soomaaliya ugu wanaagsanaa daaweynta cudurada neef-mareenka ku dhaca iyo Tiibashada Dr. Xeydar Cali Raage oo ku takhasusay cudurka Tiibashada “TB”.

Dr. Xeydar Cali Raage oo mudo ka badan 40 sano ka howlgalayay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu xarun caafimaad oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka TB-da uu ku lahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana gobolada dalka looga imaan jiray daaweyntiisa iyo khibrada fog ee uu u lahaa daweynta cudurkaasi.

Sida aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow dhow ehelladiisa Dr. Xeydar ayaa waxaa soo ritay cudurka Coronavirus, oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday.

Dr. Xeydar ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirtii Soomaaliyeed ee tan iyo burburkii dalka meelna ugu bixin dalka, wuxuuna marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray uu ku shaqeynayay, isagoo ahaa dhaqtar u gargaara dadka dhibaateysan.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Xaruntii uu ku lahaa degmada Karaan ayaa dadka aan awoodin iney iska bixiyaan lacagta fiisitada waxay lahaayeen maalmo gooni ah oo dhaqtarku qaabili jiray iyadoo aysan jirin khidmo laga qaado, kuwii aan awoodinna inay iibsadaan daawada dhaqtarku ka bixin jiray qarashka daawada.

Ali Muhiyaddiin Ali
Caasimada Online, UK

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post