1191 Views

Dowladda & Ahlusunna oo ku loolamaya Maamul u sameynta Galmudug

Dowladda & Ahlusunna oo ku loolamaya Maamul u sameynta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda diyaar garoow loogu jiro dhismaha Maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan soo xulitaanka Baarlamaanka Cusub ee Maamulkaas,hayeeshee waxaa jira caqabado hareeyey sidii lagu dhisi lahaa Maamul loo dhanayahay.

 

Heshiis aan weli banaanka sirasmi ah loo keenin oo dhex-maray Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa Dowladda 10 sano,kadib waxaa ay ku tagtay Dhuusamareeb,isla markaana ay uga howlgaleen Hay’adaha Ammaanka Soomaaliya.

 

Hayeeshee waxaa weli xal loo helin habka loo dhisayo Maamulkaas, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna ay kala magaceen laba Guddi doorasho uu isku Shaqo ah,isla markaana ay kawada howlgallayaan Magaalada Dhuusamareeb.

 

Hoggaanka Ahlusunna ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel celiyeen in Xukuumadda Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii ay la gashay,waxaana ay u muuqataa in weli aan xal laga gaarin galmudug aan dhameys aheyn oo ka jirtay deegaannada Galmudug.

 

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay u muuqataa inay iska dhega-tirtay cabashada ka imaaneysa hoggaanka Ahlusunna maadaama Guddiga doorashada ay magacaawday uu si toos ah kulamo uga bilaabey Dhuusamareeb halka Ahlusunna ay iyana guddi kale Magacaabeen kana howlgallayaan Dhuusamareeb.

 

Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug qaarkood sida Kamaal Guutaale iyo Cabdiraxmaan Odawaa ayaa waxaa ay ka digeen in Galmudug laga abuuri xasiloonidaro taasi oo hor istaagi karta geedi socodka la doonayo in lagu dhiso Galmudug mideysan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment