1344 Views

Cudur aan la aqoon oo ka dilaacay dalka South Sudan

Cudur aan la aqoon oo ka dilaacay dalka South Sudan
____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 202

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa baareysaa cudur aan la aqoon oo ka dillaacay dalka South Sudan.

Cudurka aan ilaa hadda la ogaan waxa uu yahay waxaa uu degmada Fangak ee gobolka Jonglei ku dilay ku dhawaad 100 qof.

Toddobaadkii lasoo dhaafay wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa ku warrantay in cudur aan la aqoon ay tiro qof ugu dhinteen deegaanka halkaas oo ay dhawaan saameeyeen fatahaado.

Sarkaal qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa ku warramay in dadka la xannuunsan cudurka ay ka baareen cudurka Cholera balse ay ka waayeen.

“Waxaan go’aasannay in si deg deg ah ah aan deegaanka ugu dirno koox qiimeyn iyo baaritaan kusoo sameysa xaaladda, tirada ilaa hadda u dhimatay cudurka waxay gaarayaan 89” ayay tiri Sheila Baya oo ka tirsan WHO mar ay la hadleysay BBC-da.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post