2208 Views

Arday Somali-Maraykan ah oo argagax ka qaaday Boliska Dalkaas

Arday Somali-Maraykan ah oo argagax ka qaaday Boliska Dalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 18, 2018 –  Saddex Dhallinyaro yaryar oo Somali-Maraykan ah ayaa daaha ka rogay inay cabsi xooggan ka qaadeen Askar Boolis ah oo Qoryo ku soo taagay, xilli ay fadhiyeen Barxadda Minnehaha oo ku taalla magaalladda Minneapolis ee dalkaasi.

Dhallinyaradaasi waxay u baqdeen Noloshooda, markii ay Ciiddanka cabsi-geliyeen, isla markaana ay toddobaadkii hore ku xireen Barxadda Minnehaha

Dhallinyaradaasi oo lagu kala magacaabo Suhayb Axmed,  Aadan Gufle iyo C/jabaar Axmed waxay Saxaafadda u sheegeen inay falkaasi ka qaadeen caro, Cabsi Joogto ah iyo inay geeriyoon doonaan

Saddexda Dhallinyaro oo dhigta Dugsiga Dhexe  waxay faahfaahiyeen cabsida ay ka qaadeen Falka Boliska.

Dhinaca kale, Boliska barxadda Minnehaha waxay sheegeen in Saraakiisha laga soo wacay Telefoonka Gurmadka ee 911 loona sheegay inay afar dhallinyaro oo watay Mindiyo iyo ulal ay halkaasi joogaan.

Qofka Boliska wacay oo aan magaciisa la shacainin ayaa u sheegay Boliska in mid ka mid ah Dhallinyarada Soomaalida uu Bistoolad ku wato Boorsada dhabarka lagu xirto ee Buugaagta lagu qaato.

Taasi oo keentay in mid ka mid ah Sarakiisha Boliska uu  hubsiimo la’aan qori ku taagaya Dhallinyaradii, isla markaana ay wada jeebadeeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Muuqaal Video oo laga duubay Dhacdadaasi oo la dhigay Barta Facebook-ga waxaa daawatay  ku-dhawaad 3 million oo qof.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment