36 Views

Muxuu Hamza Barre ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay Nairobi?

Muxuu Hamza Barre ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay Nairobi?
____________________________________________________________________________

NAIROBI — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo xalay magaalada Nairobi kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya, ayaa uga warbixiyay xaaladaha guud ee dalka.

Xamza ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay wax ka qabashada dhinacyada amniga, siyaasadda, dhameystirka dastuurka, iyo doorashooyinka.

Hadalka Rasisalwasaaraha waxaa soo dhoweeyay qaar kamid ah bulshadii uu xalay la hadlay kuwaasoo dhinacooda farriin iyo codsi u gudbiyay dowladda Soomaaliya.

Warbixin ku saabsan kulankii Jaaliyadda Soomaalida iyo Raisalwasaaraha waxaa noo diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.

Xigasho: VOA

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post