822 Views

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyey howlaha doorashooyinka Galmudug

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyey howlaha doorashooyinka Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Qaban qaabadii ugu dambeysay ee xareynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada Baralmaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka soconeysa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

 

Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ayaa wada sidii loo dhameystiri lahaa odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada, iyagoo guddiga hoosta ka xariiqay in muddo saddex cisho ah ay u qabteen xalinta ciddii cabasho ka qabta soo xulista odoyaasha dhaqanka.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in guddiga ay haatan meel gabo gabo ah u mareyso xareynta odoyaasha soo xuli doono Xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug.

 

Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka ee dalka ay tegeen magaalada Dhuusamareeb, waxaana haatan magaalada ku sii qul qula mas’uuliyiin kala duwan.

 

Sidoo kale Maanta ayay ku beegneyd xilligii loo qorsheeyey inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa,hayeeshee aan weli Xildhibaannada las oo xulin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment