1107 Views

Rooble oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, C/caziz Maxamuud Guuleed Afrika

Rooble oo  ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, C/caziz Maxamuud Guuleed Afrika
____________________________________________________________________________


Axad: November 21, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, C/caziz Maxamuud Guuleed Afrika oo Al-Shabaab xalay qarax ismaadaamin ah ku dileen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri :”  Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax argagixisadu la beegsadeen.Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”.

Rooble ayaa ku daray hadalkiisa in uu ahaa Cabdicasiis  saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.
Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay Geeridi ku timid alle ha unaxariistee Agaasimihii radio muqdishow Cabdicasiis Maxamee Guuleed.

“Aniga  oo ku hadlaya Magaceyga kana Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ee Dowladda, waxaan ka tacsiyadeeyneeynaa geerida Wariye Cabdi Casiis Acrika, waxaana leeyahay qoyskiisa iyo Asxaabtiisa iyo Samir iimaan Alle ha idinka siiyo ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Afrika ayaa in ka badan 13 sano waxaa uu ka howlgalayay Warbaahinta dowladda, isaga oo caan ku ahaa Barnaamijyo looga hadlayay Ururka Al-Shabaab, waxaana qaraxa lagu dilay sheegtay Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post