234 Views

Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Gedo oo xiisad kajirtay

Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Gedo oo xiisad kajirtay
____________________________________________________________________________

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo Janeraal Jamaal Xasan Saraay  ayaa maanta shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayey Amniga Gobolka iyo wadashaqaynta laamaha Amniga iyo shacabka, kaas oo lagu qabtay degmada Doolow.

Kulanka waxaa ka qayb galay saraakiisha ciidamada heer Gobol iyo heer degmo maamulka Gobolka kan degmada Doolow siyaasiyiin iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka

Taliyaha Amniga Gobolka Geso  iyo ku xigeenkiisa ayaa sheefay in laga shaqeeyo Amniga iyo xasiloonida Gobolka, shaqsiyaadkii laga dareemo qalqal galinta amniga in meel looga soo wada jeesto, isla markaana loo gargaaro shacabka Abaaruhu dhibaateeyeen

Sidoo kale saraakiisha ciidamada kala duwan ee Gobolka ayuu faray inay xakameeyaan ciidamadooda ayna gutaan waajibaadkooda ciidanimo qeybna ay noqdaan xoreynta Gobolka iyo mida Jubbaland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post