Muqdisho | QOL | 13 November 2017 — Military-ga Wadanka Mareeykanka ayaa sheegay in ay Qaadeen Sadax Weerar 24 Gudahood, Weeraradaas oo Mareykanku uu sheegay in ay kordhinayaan ololohooda ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish.
Duqaymahaan oo ay Fuliyeen Diyaarado aan lamagacaabin ayaa waxaa lagu dhilay Dagaalamayaal ka Tirsan Al-shabaab sida ay AP u sheegay Haweeney Afayeen u ah Ciidamadda Mareeykanka ee kusugan Qaaradda Africa, waxay sheegtay in Sadaxda Weerar ee is xig xigay uu Mareeykanku ka Fulliyay Soomaaliya.
Mareeykanka waxaa Howlagaladaan kala shaqeyay Dowladda Soomaliya sida ay Afayeenku sheegtay.
Midka Koowaad ee Weeraradaas waxaa uu ka dhacay 4:30 Galabnimo ee Sabtigii Wuxuuna ka dhacay Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Bay 250 Mile na ujirta Muqdisho, waxaa Weerarkas ku dhintay Hal Dagaalame oo ka Tirsan Al-shabaab oo Masuuliyiinta Mareeykanku aysan Aqoonsigiisa Shaacin
Afayeenka u Hadashay Ciidamadda Mareeykanka waxa ay sheegtay in waxyeelo shacab aysan ka dhalan Weeraradooda, waxayna intaas ku dartay in ay ka dheeraanayaan wax kasta oo Qasaare u keen kara shacabka.
Duqaynta Labaad waxaa ay dhacday Axaddii ku dhawaad 3 Aroornimo waxaana la Beegsaday Xubno ka Tirsan al-shabaab oo ku sugnaa Shaeelaha Hoose, goobta Weerarka Labaad uu ka dhacay wuxuu mareeykanku kus sheegay Meel 40 KM Galbeed kaga Beegan Muqdisho.
Duqaynta Sadaxaad waxuu Mareeykanku labeegsaday Ururka Daacish ee kusugan Gobolka Bari, wuxuuna Weerarkaasi dhacay 9 Subaxnimo ee Axaddii shalay wuxuuna ahaa Weerarkii Labaad ee Mareeykanku uu la Beegsado Uruurka Daacish ee Soomaaliya.
Afayeenka u hadashay Mareeykanka waxay sheegtay in Mailitary-ga Mareeykanka ee Qaaradda Africa uu sii wadi doono Taageeradda uu siinayo Ciidamadda Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, si looga Adkaado Al-Shabaab.
Inkastoo Mareykanku uu Beeniyay in Weeraradiisa ay Waxyeelo shacab ka dhalatay, Weerarkii Axadii 3 Aroornimo uu ka Fuliyay Shabelaha Hoose waxaa ku dhintay Sadax Ruux oo shacab ah oo Isku Qoys ka soo jeeda, sida ay inoo sheegeen Dadka deegaanku.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________