1311 Views

Shirweyne Caalami Ah Oo Maanta Ka Furmaya Dalka Jordan

Shirweyne Caalami Ah Oo Maanta Ka Furmaya Dalka Jordan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 03, 2019 –Magaalada Cammaan ee Caasimadda dalka Jordan ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in uu ka furmo  Shirweynaha 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta,isla markaana waxaa laga jeedin doonaa Khudbado looga hadlayo Ajendaha kulan uu yahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa khubad ka jeedin doona Shirkaasi,waxaan halkaasi ku sugan wafdi uu hogaaminayo isaga oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiye Mursal ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga Baarlamaanada Carabta kaas oo hor u dhac u ah Shirka saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee dalka Jordan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment