1449 Views

Q.M oo sheegtay in Ciidanka Kenya ay Dhuxusha Somaliya ka dhoofiyaan Jubada hoose

Q.M oo sheegtay in Ciidanka Kenya ay Dhuxusha Somaliya ka dhoofiyaan Jubada hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 17, 2018 –Warbixin Arbacadii la soo dhaafay ay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey horgeeyeen Guddigii dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in Ciidanka Difaacka Kenya ee jooga SOomaaliya ay wali ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Dhoofinta dhuxushaas ay sidoo kale Al-shabaab ka helaan Dakhli ka badan $7Milyan oo dollar oo ay ku qaadaan baraha koontarool ee ay ku leeyihiin Gobollada Jubooyinka iyo Gedo marka dhuxusha loo wado Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo.

Ciidanka Kenya ayaa lagu sheegay warbixinta in saami ay ku leeyihiin kiishka dhuxusha ah ee uu Maamulka Jubaland Canshuuro.

Waxaana Loorkii Dhuxusha ay Jubaland canshuuraa $5 Doollar,taas oo sanadkii laga soo saaro $15 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ciidanka Kenya ayaa kiishiiba ku leh $2 Doollar oo lacagta Mareykanka ah,halkaas oo ay si dadban lacag uga sameeyaan dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

In ka badan 3 Milyan oo Kiish oo Dhuxul ah ayaa sanad waliba laga dhoofiyaa Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo sida lagu sheegay Warbixinta waxaana kala gudbiya Shabakado  dambiilayaal ah oo fadhigoodu yahay Dubai,wakiillana u joogaan Kismaayo.

In ka badan $150 Milyan oo dollar ayaa lagu sheegay in Shabakadahaas ay sanadkiiba ka sameeyaan dhuxusha Soomaaliya,waxaana Kiishka dhuxusha ah uu Dubai ka joogaa $50 Doollar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment