783 Views

Ciidamada Puntland oo howlgal culus sameeyay

Ciidamada Puntland oo howlgal culus sameeyay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 23 2021–
Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Puntland ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen  degaano ka tirsan Gobolka ay Puntland u taqaano Gardafuu, howlgalkaas oo ah mid  amniga lagu xaqiijinaya.

Howlgalka ayaa waxaa siwadajir ah u fulinaya Ciidamada difaaca Puntland ee PMBF, Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Booliska, waxana laga fuliyay degaanka Xaabo  iyo Inta u dhaxaysa Geesalley oo ka tirsan gobolka Gardafuul.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa falal amni darro oo mararka qaar wadada u dahxeysa Xaabo  & Geesalley ay ka geystaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ma sheegin waxyaabo laagu soo qabtay howlgalka, hayeeshee ay sheegen in sidoo kale ay sameynayeen barista miinooyin ay Al-Shabaab iyo Daacish ku aaseen wadadaas.

Degaano ka tirsan Puntland gaar ahan gobolka Bari ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo miino iyo weeraro ay mas’uuliyadooda sheegtaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post