1197 Views

Wafdi ka socda Eriteriya oo Maanta kusoo wajahan Hargeysa

Wafdi ka socda Eriteriya oo Maanta kusoo wajahan Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 –Maanta ayaa la filayaa in Magalada Hargeysa ee deegaanada Soomaalilland u tago wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed.

Sida la xaqiijiyey wafdiga ayaa marti-qaad waxa ay ka heleen Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan kasoo laabtay wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Wadfigaas ayaa noqonaya wafdigii ugu horeeyay ee heerkiisa ah kana socda Dowladda  Eriteriya kaas oo taga deegaano ka tirsan Soomaaliland.

Tallaabadaan ayaa imaaneysa xilli sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu dhawaan tagay dalka Itoobiya oo xiriir wanaagsan la leh Eriteriya ,isla markaana uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment