372 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shaqada ka joojiyay Wasiir katirsan xukumada Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shaqada ka joojiyay Wasiir katirsan xukumada Soomaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: May 24,2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha dibadda Dowlada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, kadib markii uu fasaxay Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo lagu xayiray dalka Cummaan.

Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax kama jiraan looga soo qaday go’aankii uu wasiirka Cabdisaciid Muuse ku fasaxay Markabkaas, maadaama uu baal marsan yahay shuruucda Soomaliya iyo kuwa caalamka, khatarna uu ku yahay dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hey’adaha amniga wuxuu faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan , kadibna ay la wadaagaan hey’adaha garsoorka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post