279 Views

Sahra Baay “Dalku wuxuu ku xiran yahay heerka waxbarashadda ee dhalinyaradeena”

Sahra Baay “Dalku wuxuu ku xiran yahay heerka waxbarashadda ee dhalinyaradeena”
____________________________________________________________________________

Talaado, 10 Janaayo [QARANIMO ONLINE] Sahra Maxamed Cabdi [Sahra Baay] oo ka mid ah haweenka gobolka Banaadir, ayaa bogaadisay dedaaladda Madaxweyne Xassan Sheekh ee ku aadan horumarinta tayadda waxbarashada ee dalka.

“Madaxweyne Xassan waa shaqsi garanaya qiimaha macalinka & waxbarashadda. Mustaqbalka dalku wuxuu ku xiran yahay heerka waxbarashadda ee dhalinyaradeena, iskuulaadka hoostaga Dowladdu waxaa 90% ka badan kuwa gaarka loo leeyahay, Dowladdu waxyaabaha ay tahay in ay mudnaanta siiyo waxaa ka mid ah in iskuuladaasi ay noqdaan kuwa hoostaga nidaamka waxbarasho ee ay dejisay Dowladda” Ayeey tiri Sahra Baay, waxayna intaasi ku dartay in tirada ay ka wanaagsan tahay tayadda.

Sahra, oo ku hadleysay magaca haweenka Gobolka Banaadir waxaa kale oo ay intaasi ku dartay  inay soo dhoweyneyso baaqii ka soo baxay Madaxweynaha ee lagu kordhiyay macalimiin tiradoodu tahay 3 kun ah, waxayna soo jeedisay in Dowladdu hubiso nidaamka waxbarasho ee dhammaan iskuulada dalka.

Sahra Baay waxay ammaantay Jaamacadda Accord ee fadhigeedu yahay Muqdisho, waxayna maamulka Jaamacadaasi ku tilmaantay maskax-maal dalka ku soo kordhiyay waxbarasho heer caalami ah.

“Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada horseeday isbeddelka Jaamacadda Accord, wuxuuna mudan yahay in lagu qoro diiwaanka taariikhda” Ayeey tiri Sahra oo u waramaysay warbaahinta.

“In la kordhiyo macaliinta waxaa mudnaanta ka leh in la hubiyo tayada waxbarashada ee iskuulaadka gaarka loo leeyahay, waalidiinta danyarta ah waxay dhibaato weyn ku qabaan iskuulaadka gaarka loo leeyahay oo lacago xad-dhaaf ah ku soo dalaca caruurta. Mas’uuliyiinta Wasaaradda waxbarashadda dib ha u eegaan cabashada waalidiintu ka qabaan iskuulaadka gaarka loo leeyahay” Ayeey tiri Sahra.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post