2787 Views

Sawiro:-R.Wasaare Khayre Oo Xalay Kormeeray Qeybo kamid ah Magalada Muqdisho.

Sawiro:-R.Wasaare Khayre Oo  Xalay Kormeeray Qeybo kamid ah Magalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  |  April 01, 2018–Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaan Banaadir.

R/W ayaa ka dalbaday saraakiisha ciidmada dowladda soomaliya in ay dar dar geliyaan sugida amniga caasimadda ee Muqdisho, islamarkanaa markale aysan ka dhicin falal lidi ku ah amniga.

“Kormeer aan kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaan kusoo arkay shacab jecel dawladdooda, waxaan u sheegay inay la shaqeeyaan saraakiisha amniga ee wakhtiga badan ku bixinaya sugidda amniga si looga guulaysto Cadawga Soomaaliyeed” ayuu yiri Kheyre ka dib kormeerka oo uu warbaahinta la hadlay.

Kheyre ayaa goobihii uu tagay kula kulmay Saraakiisha, qaar ka mid ah mas`uuliyiinta degmooyinkii uu tagay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, Sidaasi waxaa warbaahinta usheegay Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobalka Banaadir Maxmaed Cabdullahi Maxamed.

Ra`iisul wasaare Kheyre oo bilihii la soo dhaafay sidaan oo kale kormeero ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wali wada kormeerida uu ku tagaayo degmooyinka kale ee harsan, xalay ayaa Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ay kormeer ay ku tageen degmooyinka Hodan, Waabari iyo Cabdicasiis.

 

 

v2 v3 v1

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment