696 Views

Aqalka Wakiillada oo mar kale ansixinaya xirmada dhaqaale ee Biden

Aqalka Wakiillada oo mar kale ansixinaya xirmada dhaqaale ee Biden
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10da Maarso, 2021:Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu ansixiyo, xirmo dhaqaale tii ugu badneyd ee ay abid dowladda Mareykanka ku taageerto dhaqaalaha waddankaan, kaddib marki uu Golaha Senetka todobaadki hore meel-mariyay.

Xirmadaan lacagaeed oo gaareysa Hal Tiriliyan iyo Sagaal boqol oo Bilyan oo dollar ayuu Aqalka Wakiillada horay u ansixiya, balse mar kale ayaa dib loogu soo celiyay, kaddib marki ay xubnaha Senetka soo ansixiyeen iyadoo qodobada qaar laga soo tuuray.

Xirmadan lacageed ayaa waxaa qeyb ka ah lacag dhan 1,400 oo dollar oo guryahooda ama bankiyadooda loogu diri doono inta badan qoysaska Mareykanka ee uu saameeyay cudurka COVID-19. Waxaa sidoo kale ku jira lacago loogu talagalay dadka aanan shaqeyn iyo dhaqaale lagu saacidi doono iskuulada, maamullada gobollada iyo degmooyinka iyo shirkadaha yar yar ee gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in isla todobaadkan uu saxiixo xeerkaan dhaqaale, taasoo ka dhigi doonto guushiisi ugu weyneyd ee uu dhanka siyaasadda ka soo hooyo, tan iyo marki uu xafiiska Aqalka Cad la wareegay 20-ki bishi January ee sannadkaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post