1005 Views

Masar oo ka carootay baaqa ku saabsan in la baaro maydka Mursi

Masar oo ka carootay baaqa ku saabsan in la baaro maydka Mursi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dhimashadii madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi,hayeeshee waxaa hadalkaas ka hortimid Xukuumadda Madaxweyne Cabdulfatax Al-Siisi.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in afhayeenka Wasaaradda Arrimha Dibadda uu “erayada ugu culus” ku cambaareeyay talada ay soo jeedisay Qaramada Midoobay, wuxuuna ku adkaystay in Mursi uusan waxba eersanin.

Dowladda dalka Masar ayaa Talaadadii si deg deg ah u aastay meydka Hoggaamiyihii hore oo 67 jir ahaa ee dalka Masar Maxamed Mursi, kadib markii Isniintii uu ku dhex geeriyooday Maxkamad qaadeysay dacwad loo heystay.

Allaha u Naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Masar Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo doorto, balse xabsi ayuu ku jiray tan iyo markii uu miltarigu xukunka ka xayuubiyay sannadkii 2013.

Hoggaamiyeyaal farabadan oo ka tirsan Dowladaha Caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar,waxana qaarkood sheegeen in wadamada Islaamka uu ka baxay hoggaamiye qaali ahaa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment