858 Views

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Balcad

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Balcad
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 30, 2021

Dagaalameyaal ka tirsan Al Shabaab ayaa saaka waabirigii hore waxaa ay dagaal  ku qaadeen degmada Balcad  ee gobolka shabeellada Dhexe.

Al-shabaab oo dhowr jiho ka weeraray degmada Balcad ayaa u suurta gashay in ay la wareegaan inta badan 5-ta Xaafadood ee degmada Balcad ee gobolka shabellada dhexe.

Dhinacyada dagaalamayay ayaa  madaafiic culus ay isweydaarsadeen waxaa la sheegay in ay ku dhaceen guryo ay degan yihin dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay seddex askari oo ka tirssan ciidamada dowladda aya ku geeriyooday dagaalka, halka shan qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida uu KNN u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in dagaalmeyaasha Al-shabaab ay dib ugu baxeen degmada Balcad, islamarkaana halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan miltariga Soomaaliya iyo AMISOM, iyagoona haatan halkaasi baaritaano ka wada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post