1398 Views

Suldaankii beesha Silcis Gorgaarte oo Muqdisho aas Qaran loogu sameeyey

Suldaankii beesha Silcis Gorgaarte oo Muqdisho aas Qaran loogu sameeyey
____________________________________________________________________________

Sebti, 29 May, [Qaranimo Online] Waxaa Magaalada Muqdisho maanta aas Qaran loogu sameeyey ALLAHA u naxariistee Suldaankii beesha Silcis Gorgaarte Suldaan Maxamed Aweys Axmed, oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.

Suldaanka, ayaa horay u soo noqday Xildhibaanka baarlamaanka Soomaaliya ku metela beesha Silcis, isaga oo hadda ka tirsanaa xubnaha maamulka Gobolka Banaadir.

Aaska suldaanka waxaa ka soo qeybgalay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, xildhibaanno, siyaasiyiin & qaraabada marxuumka, waxaanna marxuumka ALLE lagaga baryay Janatul fardowsa.

“Beesha Silcis waxaa ka baxay maanta mid ka mid ah waxgaradkeedii ugu qiimaha badnaa, waxaan ALLE uga baryaynaa inuu janooyinkiisa ku irsaaqo” Ayuu yiri Xassan Naaji oo ka mid ah aqoonyahanada beeshaasi, isaga oo ehelada marxuumkana ALLE kaga baryay inuu qalbiga u qaboojiyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post