618 Views

Guddoomiyaha Midowga Africa oo walaac ka muujiyay xaalada waddanka Suudaan

Guddoomiyaha  Midowga Africa oo  walaac ka muujiyay xaalada waddanka Suudaan
____________________________________________________________________________


Talaado: October 26, 2021

Guddoomiyaha  Midowga Africa, ayaa walaac ka muujiyay waddanka Suudaan kadib markii ciidamada Milaterigu la wareegeen xukunka dalka.

Guddoomiyaha Africa Muuse Faki ayaa ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaare Cabdullaahi Xamduuk iyo  dhammaan mas’uuliyiintii la xiray.

Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa looga baaqay Milateriga in ay ixtiraamo u muujiyaan heshiisyadii hore loo galay iyo xuquuqda siyaasiyiinta.

Bayaanka ayaa intaas ku daray, in wada hadal lagu dhammeeyo dhammaan waxa la isku khilaafsanyahay si loo ilaaliyo dimuquraadiyada xilliga kala guurka ah ee dalka Suudaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post