798 Views

Puntland oo ku dhawaaqday shirweyne ku saabsan xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland

Puntland oo  ku dhawaaqday  shirweyne ku saabsan xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday, shirweyne ku saabsan xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland ee Waxbarashada heerka labaad u raadsada Turkiga, kadib markii hay’adda Tacliinta sare u qaabilsan Turkiga ee YOK ay sheegtay, in aysan aqoonsanayn Shahaadada Jaamacadaha Puntland.

Shirka waxa looga arrinsan doonaa Dib u-eegista, Qiimaynta, Hormarinta iyo Tayeynta Tacliinta Sare ee Puntland iyo xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland ee Waxbarashada heerka labaad u raadsada Turkiga.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay  in la hawl-gelinayo Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland, si uu waajibaadkiisha shaqo u guto, islamarkaana qayb uga noqdo xallinta Caqabaddan soo korortay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post